Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Lamu Irungu Macharia ayaa xaqiijiyay in howlgal amni oo laga sameeyay keynta Boni lagu dilay 2 qof oo looga shakiyay in ay ka mid yihiin Al-Shabaab.
Mr. Macharia ayaa xusay in shakhsiyaadkan la qabtay iyaga oo sita hub.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in howlgalka lagu dilay ay fuliyeen ciidamada gaarka ah ee booliska.
Kenynta Boni oo xigta dhanka xadka Kenya iyo Soomaaliya ayay ciidamada ammaanka sheegeen in ay ku dhuumaaleystaan kooxda argagixisada sidaas awgeedna la sii wadaya howlgallada halkaasi looga saaraya.
Guddoomiyaha Lamu ayaa shacabka deggan agagaarka keynta Boni ugu baaqay in ay feejignaadaan.
Waxaa uu ka codsaday in ay saraakiisha ammaanka ku soo wargeliyaan hadii ay arkaan dhaqdhaqaaqyo shaki abuuraya.