Trump oo Aqalka Cad ku soo dhaweeyay Dhaxal suggaha Sacuudi Carabiya

0
223

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Aqalka Cad ku soo dhaweeyay Dhaxal suggaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salman kaasoo caasimadda Mareykanka ku joogo booqasho xoogga saaraysa xiriirka qoto dheer ee ka dhexeeya Xukuumadaha Riyadh iyo Washington.
Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay fursadaha ganacsi, nabadda, Garaadka macmalka ah iyo ganacsiga tignoolajiyada.
Ka dib kulankooda ayaa waxaa ay su’aalaha saxaafadda kaga jawaabeen gudaha xafiiska madaxweynaha ee Oval office-ka.
Kulanka Trump iyo Bin Salmaan ayaa sidoo kale horseeday ku dhawaaqyo waaweyn, oo ay ku jiraan xiriirka difaaca ee horeba u xoogganaa ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya.