Saacado ka dib markii weerar baahsan uu ka dhacay mareegaha kala duwan ee dowladda, oo ay ku jiraan kan Xafiiska Madaxweynaha, Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dhaqaalaha Dijitaalka ah ayaa ka hadashay suurtagalnimada dhicida xogta shaqsiyaadka iyo tan dowladeed.
War saxaafadeed la sii daayay gelinkii dambe ee Isniinta Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dhaqaalaha Dijitaalka ah William Kabogo, ayaa shaaca ka qaaday in aan la dhicin xog shaqsiyeed ama mid dowladeed ayna jirin wax laga beddelay ama laga waayay mareegaha dowladda.
Isagoo qiraya weerarka internet-ka, Kabogo ayaa shaaca ka qaaday in la tuhunsan yahay uu horseeday go’doon ku meel gaar ah oo ku yimid mareegaha isagoo caddeeyay inuu saameeyay oo keliya marin u helidda mareegaha.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Wasaaradda ay isla markiiba adeegsatay tallaabooyin lagama maarmaan ah si loo sugo goobaha ay dhibaatadu saameysey, isagoo xusay in dhammaan mareegaha la jabsaday si buuxda loo soo celiyay.
Hadalkiisa ayaa yimid ka dib markii dhowr ka mid ah mareegaha dowladda, oo ay ku jiraan kuwa wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada, Shaqada, Deegaanka, Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dhaqaalaha Dijitaalka ah, Dalxiiska iyo Arrimaha Gudaha, iyo sidoo kale mareegaha Aqalka Madaxtooyadda, lagu jabsaday weerar looga shakisan yahay in lagu qaaday internetka.




