9 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay saldhig booliis oo ku yaal Srinagar ee Gobolka Kashmiir

0
454

Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay, ku dhawaad 30 kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii walxo ay ku qarxeen saldhig booliis oo ku yaal Srinagar, oo ah magaalada ugu weyn Kashmir ee ay maamusho Hindiya.
Ilo aan la magacaabin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in dadaallada lagu aqoonsanayo sababtii kentay qaraxaas ay socdaan iyadoo qaar ka mid ah meydadka “gebi ahaanba ay gubteen.
Inta badan dadka dhintay waxay ahaayeen saraakiil boolis.
Shan qof ayaa lagu soo waramaya in ay xaaladoodu halis tahay taasi oo sii kordhin karta tirade dhimashada.