Maxkamadda oo sii daysay nin ajnabi ah oo weerar ku qaaday saraakiisha booliiska ee Diani

0
58

Muwaadin dhalasha ahaan ka soo jeeda dalka Holland oo muuqaal laga duubay isagoo weeraray ku qaaday laba sarkaal oo ka tirsan Saldhigga Booliiska ee Diani ee ismaamulka Kwale, ayaa la sii daayay ka dib markii maxkamadda xukuntay in uusan ku habboonayn maxkamadeyn.
Maxkamadda Kwale ayaa Jimciha maanta ah ayaa xustay in Elwin Ter Horst aan lagu soo oogi doonin dacwad ku saabsan xadgudubka la sheegay, iyadoo lagu dhawaaqay inuu ku habboonayn maxkamadeynta sababo la xiriira cudurka laba cirifoodka.
Xanuunka laba-cirifoodka ayaa ah xaalad caafimaad oo maskaxeed oo lagu garto isbeddello niyadeed oo aad u daran oo ay ku jiraan farxad sare iyo dhacdooyin niyad jab leh.
Garsooraha maxkamadda Kwale Joy Mutimba ayaa xukunka soo saartay ka dib markii ay heshay warbixinta caafimaadka Horst, taasoo caddeysay in eedeysanaha uu qabo cudurka laba-cirifoodka, taasoo ka hor istaagtay inuu qirto dambigiisa.
Warbixinnada maxkamadda ayaa tilmaamaya in ninka reer Holland lagu soo oogay dacwado kala duwan, oo ay ku jiraan eedeymo ku saabsan ka ganacsiga daroogada, weerar sababay dhaawac jireed, burburin hanti, iyo abuuris khalkhal.
Ka dib qiimeyntiisa caafimaadka, maxkamadda Kwale ayaa amartay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo, iyadoo faylka kiiska la xiray.