NPS oo digniin soo saartay ka hor doorashada ku celiska ah ee 27-ka November

0
50

Adeegga Qaran ee Booliiska (NPS) ayaa shacabka u xaqiijiyay diyaar garow buuxa oo lagu sugayo nabadda iyo kala dambeynta inta lagu jiro doorashada ku celiska ah ee soo socota.
War saxaafadeed ay soo saareen Khamiista ayay NPS ku sheegtay in ay diyaarisay istiraatiijiyad amni oo faahfaahsan isla markaana si wanaagsan ula kaashatay Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha dalka ee (IEBC).
Booliiska ayaa waxaa ay siyaasiyiinta iyo taageerayaashooda ku booriyeen in ay ilaaliyaan nabadda oo ay u hoggaansamaan sharciga inta ololaha iyo doorashada ay socoto, iyaga oo digniin ka bixiyay in cid kasta oo ku xadgudubta sharciga la marsiin doono tallaabo adag.
Tani ayaa waxaa ay ku soo beegantay maalin ka dib markii madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua uu qoraal u diray Taliyaha Guud ee Booliiska, Douglas Kanja, isagoo ka dalbaday in tallaabo laga qaado dad uu sheegay in ay khatar gelinayaan nabadda doorashada deegaanka Waqooyiga Mbeere ee ismaamulka Embu.