DCI-da oo ka digtay kororka dhaca rabshadaha wata ee lagu beegsado dadka isku bartay baraha lagu kulmo ee internet-ka

0
49

Waaxda Dambi Baarista ee DCI-da ayaa ka digtay kororka dhacdooyinka dhaca rabshadaha wata ee lagu bartilmaameedsanayo dadka lagu soo jiito baraha lagu kulmo ee internet-ka.
Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in muwaadiniinta dalka iyo ajaanibta lagu khiyaano baraha internetka, looga abuuro kalsooni been ah, dabadeedna loogu yeero meelaha qarsoon ama aan la aqoon si loo dhaco.
DCI-da ayaa sheegtay in kooxaha dambilayaasha ah ay ka faa’iidaysanayaan xiriirrada ku bilowda online-ka, kuna helaan xog shaqsiyeed oo muhiim ah sida macluumaadka maaliyadda, taasoo markaa dhibbanayaal badan halis kale u horseeda.
Hay’adda ayaa bulshada ugu baaqday in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan marka ay la macaamilayaan dadka cusub ee baraha bulshada iyo ablikeshannada lagu kulmo ee hasaawaha. Muwaadiniinta ayaa lagu taliyay in ay hubiyaan cidda ay la hadlayaan, looga shakiyo xogaha is khilaafsan, isla markaana aan la bixin xog shaqsiyeed ama mid maaliyadeed.
DCI-da ayaa bulshada kula talisay in kulamada fol ka foolka ah lagu kulmo meelaha dadweynaha ku badan yihiin sida makhaayadaha, kafateeriyada ama xarumaha ganacsiga, lagana fogaado guryaha gaarka ah ama meelaha cidla ah.
Ugu dambeyn, DCI-da ayaa carabka ku adkeysay in qof walba uu isla markiiba ka tago oo uu raadsado caawimaad haddii uu dareemo khatar ama uu la kulmo dhaqan shaki leh.