Warbixinta EACC oo daaha ka qaaday musuqmaasuqa ka dhex jira qaybta booliiska ee taraafikadda

0
54

Guddiga Anshaxa iyo La dagaalanka Musuqmaasuqa (EACC) ayaa ku taliyay in la kala diro qaybta booliiska ee taraafikadda ee hadda jirta, isla markaana xilliyo kala duwan lagu sameeyo saraakiisha gacanta ku haysa waajibaadka waddooyinka si loo xakameeyo baada iyo laaluushka baahsan ee ka dhex jira Adeegga qaran ee booliiska (NPS).
Hanti dhowr lagu sameeyay intii u dhaxeysay Febaraayo iyo June 2025-ka ayaa shaaca ka qaaday musuqmaasuq baahsan oo ka jira guud ahaan adeegga, iyadoo waaxda taraafikada lagu tilmaamay inay tahay tan ugu liidata.
Natiijooyinka ayaa tilmaamay in dhaqaalaha ka soo xarooda lacagahan sharci darrada ah la marsiiyo silsiladda maamulka, iyadoo la abuurayo laaluushka ka dhex jira qaybta waddooyinka, iyadoo saraakiisha qaar ay been abuur ku sameeyaan eedeymo ka dhan ah howl wadeennada lacagta bixin waaya.
Warbixinta ayaa muujinaysaa in saraakiisha taraafikada ay si joogto ah uga qaadaan Gaadiidka Adeegga Dadweynaha (PSVs) lacag baad ah maalin kasta iyo heerka waddo mareenka, iyagoo ka ururinaya “kharashka ilaalinta” Ururka Iskaashatada mataatuuleyda iyo wadayaasha mootooyinka, iyagoo inta badan raacaayo awaamiirta taliyayaashooda.
Isagoo ka hadlayay intii lagu guda jiray bandhigga, xoghayaha iyo madaxa fulinta ee EACC Cabdi Maxamuud ayaa ku tilmaamay warbixinta inay tahay “hadal geesinimo leh” oo ay damacsan tahay NPS inay ” saxdo taariikh hore oo ay ku sifoobeen kalsooni la’aanta shacabka iyo aragtida musuqmaasuqa.”
Hanti dhowrka nidaamka ayaa waxaa uu baaray siyaasadaha, nidaamyada, iyo dhaqamada guud ahaan waaxyaha NPS, oo ay ku jiraan Adeegga booliiska Kenya, Adeegga booliiska Maamulka, Waaxda Baarista Dambiyada, Waaxda Arrimaha Gudaha, iyo kulliyadaha tababarka booliiska.
Waxaa uu soo xigtay khaladaad xagga qorista, beddelka, iyo keenista, ku takri falka habraacyada anshax marinta, iyo ku dhaqan la’aanta sharciga NPS.
Warbixinta ayaa waxaa kale oo ay soo bandhigtay maaraynta dammaanadda aan waafaqsanayn, khidmadaha ilaalinta ee laga soo ururiyo howl wadeennada ganacsiga, nadaafad xumada goobaha dadka lagu xiro, iyo wareejinta siyaasadeysan ee saraakiisha.
Waxaa ay sidoo kale iftiimisay hababka kormeerka ee daciifka ah iyo dib u dhaca ku yimid hirgelinta dib u habaynta sida samaynta Guddiga Imtixaanaadka Adeegga, Siyaasadda Maareynta Cabashooyinka, iyo Guddiga Maareynta cutubyada. Nusqaamaha kale waxaa ka mid ah shaqaale yari ka tirsan waaxda arrimaha gudaha, maamul xumada qalabka booliiska, iyo la’aanta dukumentiga lahaanshaha saxda ah ee dhulka booliiska.
Si wax looga qabto daciifnimada nidaamka, EACC ayaa waxaa ay ku talisay in si buuxda loo dhaqan geliyo sharciga NPS iyo xeerarka la xiriira, horumarinta qaabdhismeedka ka hortagga musuqmaasuqa, habaynta shaqo qorista iyo nidaamka dammaanadda lacagta caddaanka ah, xisaab xirka joogtada ah iyo howlgallada qashin qubka, iyo qaadashada tignoolajiyada sida kameerooyinka ku xiran dharka booliiska si kor loogu qaado isla xisaabtanka.
Dhankiisa, Taliyaha Guud ee Booliiska Douglas Kanja ayaa sheegay in adeegga NPS uu wax ka qaban doono natiijooyinka.