Waxaa garsoore ka tirsan maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee ICJ loo doortay Prof. Phoebe Okowa oo ah aqoonyahaan ku takhasustay arrimaha sharciga oo u dhalatay Kenya.
Ms Okowa ayaa waxaa shalay doortay golaha guud ee qaramada midoobay ee UNGA iyo golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC.
Waxay xilka garsooraha hayn doontaa ilaa 5-ta bisha Labaad ee sanadka 2027.
Okowa ayaa loo doortay xubin ka mid ah maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee ICJ ka dib markii 30-kii bishii Sagalaad ee sanadkan uu is casilay garsoore Cabdulqawi A. Yussuf.
Waxay horay u soo qabatay xilal kala duwan sida xubinta guddiga xeerarka caalamiga ee qaramada midoobay, dowladda Namibia oo ay ku matalaysay dacwadii ICJ iyo jagooyin kale.
Sidoo kale , waxay xeerka caalamiga ee dadweynaha ay ka dhigtaa jaamacadda Queen Mary University ee magaalada London ee Ingiriiska.
Madaxa wasiirrada ee dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa hoosta ka xarriiqay in jagada loo doortay Okowa ay guul wayn oo taariikhi ah u tahay Kenya.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa dhankiisa xusay in Phoebe Okowa ay noqotay qofkii ugu horreeyay ee Kenyaan ah oo garsoore ka noqda maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee ICJ.
Wuxuu intaasi ku daray in Kenya ay ku faanaysa guulaha ay gaartay.
Kindiki ayaa laga soo xigtay in maadaama uu akhriyey waxyaabo badan oo ay qortay haweeneydan , inuunan wax shaki ah ka qabin doorka ay ka qaadan karto horumarinta xeerarka caalamiga ah.




