Xisbiga UDA oo ka jawaabay eedeyn ka timid Gachagua

0
256

Xisbiga talada dalka haya ee (UDA) ayaa bayaan uu soo saaray ku beeniyay eedeyn ka timid madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua.
Gachagua oo ah madaxa xisbiga DCP ayaa walaac ka muujiyey hanjabaado rabshadeed ka hor inta aan 27-ka bishan la qaban doorashada ku celiska ee deegaanka Waqooyiga Mbeere ee ismaamulka Embu.
Waxaa uu Gachagua hoosta ka xarriiqay inuu ka war helay muuqaallo lagu faafiyey baraha bulshada iyadoo lagu hanjabaya shaqaaqo isaga ka dhan ah.
Waxaa uu taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Mr.Douglas Kanja ugu baaqay inuu qaado tallaabo degdeg ah oo la soo xiro dadka arrintaasi ka dambeeya.
Hasa ahaate , Xoghayaha Guud ee xisbiga UDA Xasan Cumar ayaa eedeynta Mr. Gachagua ku tilmaamay riwaayad aan sal iyo raad lahayn.
UDA ayaa xustay in madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka uu keliya doonaya inuu abuuro xasillooni darro iyo kala qaybsanaan.
Sidoo kale waxay gaashaanka u daruureen in hanjabaadaha ay faafinayaan dad aad ugu dhow guddoomiyaha xisbiga UDA ahna barasaabka ismaamulka Embu Cecily Mbarire iyo wasiirka adeegga dadweynaha Geoffrey Ruku.