Madaxweynaha dalka oo warbixin ka guddoomay saraakiisha guddiga NLC

0
343

Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa guddoomay warbixinta saraakiisha sare ee guddiga qaran ee arrimaha dhulalka(NLC) oo uu muddo xileedkoodu dhammaaday.
Madaxweynaha ayaa guddiga ku bogaadiyey doorka muhiimka ee uu ka qaato ilaalinta dhulka dadweynaha iyo dardargelinta xeerarka dhulalka oo cadaalad ah.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in iyadoo loo maraya NLC, la xalliyey muranno dhuleed oo muddo dheer soo jiray tani oo fududeysay in tobanaan kun oo kenyaan ah ay helaan dokumeentiyada lahaanshaha dhulalka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa saraakiisha sare ee guddiga qaran ee arrimaha dhulalka ee xafiiska banneynaya uga mahadceliyay waxqabadkooda isagoo mustaqbalkana guul u rajeeyay.
Mas’uuliyiintan ayaa kala ah guddoomiyaha NLC Gershom Otachi, ku xigeenkiisa Gertrude Nduku Nguku, James Tuitoek, Kazungu Kambi, Xubi Xuseen Al-Xaaji ,Alister Murimi Mutugi, iyo Reginald Okumu.