Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyadeeyay geerida xildhibaankii Koonfurta Isiolo

0
114

Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid xildhibaankii deegaanka Koonfurta ismaamulka Isiolo Maxamad Tubi Bidu.
Waxaa uu qoraal ku sheegay inuu ka naxay geerida mudanaha oo isagoo wakiil ka ah dowladda iyo shacabka kenyaanka uu la murugoonaya qoyskii uu Maxamad Tubi ka baxay iyo si guud dadweynaha Koonfurta Isiolo.
William Ruto ayaa xusay in Tubi lagu xusuusan doono inuu si ay daacadnimo ku dheehan tahay ugu adeegayay qaranka.
Waxaa uu ku tilmaamay shakhsi si niyad leh ugu ololeyn jiray arrimaha waxbarashada oo aaminsanaa in bulshooyinka lagu horumariyo tacliin iyo fursado la siiyo.
Waxaa uu sheegay in xildhibaanka ay ka go’nayd wax ka beddelidda nolosha dadka uu baarlamaanka ku matalayey iyo horumarinta deegaanka laga soo doortay.
Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki iyo madaxa wasiirrada ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa u tacsiyadeeyay qoyska uu ka geeriyooday xildhibaankii Koonfurta Isiolo.
Geerida xildhibaanka waxaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Aadan Barre Ducaale oo xusay in Tubi uu ahaa hoggaamiye la ixtiraamo ayna ka go’nayd wax u qabashada dadkiisa.

Barasaabka ismaamulka Isiolo ,Cabdi Ibraahim Guyo oo isna tacsi diray ayaa xildhibaanka geeriyooday ku tilmaamay hoggaamiye mabd’a lahaa , geesi ahaa kana shaqeyn jiray midnimada shacabka.
Wuxuu qoraal ku sheegay in aynan keliya tebi doonin dadweynaha Koonfurta Isiolo balse si guud dowlad deegaankaasi.
Barasaabka ayaa intaasi ku daray inuu qoyska , ehellada , asxaabta iyo dhammaan shacabka ku nool Koonfurta Isiolo la murugoonaya xilligan adag.
Waxaa uu Alle uga baryey inuu ku abaal mariyo Jannatul Firdaus oo uu samir iyo iimaan dheeri ah ugu deeqo intii uu ka tagay.
Guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Isiolo, Maxamad Roba Koto ayaa dhankiisa sheegay in xildhibaan Tubi Bidu uu ahaa qof leh aragti fog oo ay u baroordiiqayaan waddani.
Waxaa geerida Maxamad Tubi xaqiijiyey guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Moses Wetang’ula oo ku tilmaamay inay tahay niyad jab weyn oo soo gaaray baarlamaanka iyo qaranka.
Mudanaha ayaa in muddo ah xanuunsanayey iyadoo xubnaha qoyskiisa ay xaqiijiyeen inuu xalay fiidkii ku geeriyooday isbitaalka Nairobi.
Waxaa uu intii u dhexeysay sanadkii 2013-kii ilaa 2017-kii ahaa guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Isiolo.
Maxamad Tubi ayaa xildhibaan noqday sanadkii 2022-kii wuxuuna xubin ka ahaa guddiyada baarlamaanka ee arrimaha deegaanka, kaymaha, macdanta iyo guddiga qabto dacwadaha dadweynaha.