Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley Cabdi Xasan ayaa dadka weli haysta hubka sharci darrada ah ku boorriyey in ay dowladda u soo gacan geliyaan.
Waxaa uu sheegay in haddii aynan sidan sameyn , la billaabi doono howlgal culus oo hubkaasi lagula wareegaya.
Cabdi Xasan ayaa intaasi ku daray in weli caqabado dhanka nabadgalyada ah ay ka jiraan ismaamulka Turkana.
Waxaa uu xusay in muddo saddex bilood ah la dilay in ka badan 19 ruux taasina aan loo dulqaadan karin.
Sidoo kale waxaa uu madaxda kala duwan ka codsaday in ay kala shaqeeyaan sidii tallaabo sharciyeed looga qaadi lahaa shakhsiyaadka ku howlan kicinta dadweynaha iyo hurinta colaadaha.




