DHEGEYSO:Ballanqaadkii Ruto ee aan la fulin ee ahaa inuu hagaajinayo waddooyinka oo sababay dibadbaxyo ka dhacay Nyamira iyo Bungoma

0
198

Shacabka ku nool ismaamullada Nyamira iyo Bungoma ayaa Talaadadii isugu soo baxay waddooyinka si ay uga mudaaharaadaan xaaladda xun ee waddooyinka maxalliga ah.
Dadweynaha ayaa sheegay in waddooyinka ay ku jireen xaaladaasi sannado badan inkastoo uu madaxweyne William Ruto ballanqaaday intii uu ahaa madaxweyne ku xigeenka Uhuru inuu hubinayo in waddooyinka muhiimka ah la hagaajiyo.
Madaxweyne Ruto oo 2022-kii olale doorasho ku tagay deegaanka ayaa waxaa codkiisa ka mid ahaa.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in waddada ay si aad ah u xumaatay taasoo keentay in darawallada ay si joogto ah ugu xayirmaan dhoobo qoto dheer xilliga roobabka.
Dhacdo tan la mid ah ayaa ka taagan deegaanka Lwakhaka ee dowlad deegaanka Bungoma iyadoo ay shacabka xireen waddooyinka si ay uga bannaanbaxaan waddooyinka xun ee aagaas iyagoo carqaladeeyay isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga magaalada xuduudka ah.
Dadka deggan labada ismaamul ayaa waxaa ay ugu baaqayaan hoggaamiyeyaasha maxalliga ah, dowladaha ismaamullada iyo dowladda dhexe inay si xawli ah u dhaqaaqaan oo ay dib u habeeyaan kaabayaasha muhiimka ah.