Barlamaanka Qaranka iyo Aqalka Sare ayaa isugu imaan doona fadhi gaar ah Khamiista 20-ka bishan November si ay khudbad sannadeed uga dhageystaan Madaxweyne William Ruto.
Ogeysiis la soo saaray Arbacada maanta ah ayaa lagu sheegay in kalfadhiga loo qorsheeyay inuu bilaabmo 2:30 ee duhurnimo kaasoo ka dhici doona Hoolka Golaha Qaranka ee Dhismaha Baarlamaanka ee magaalada Nairobi.
Fadhigan ayaa raacaya habraacyada ku xusan Xeerka Joogtada ah 22(2) ee Golaha Qaranka iyo Xeerka Joogtada ah 25(2) ee Aqalka Senate-ka, kaas oo u baahan in Xildhibaanada lagu wargeliyo taariikhda, waqtiga, iyo goobta kalfadhiga gaarka ah ee baarlamaanka ee hoos yimaada Dastuurka.
Sharci dejiyeyaasha iyo dadweynaha ayaa hadda isu diyaarinaya inay ka soo qaybgalaan khudbadda, taas oo fursad u siinaysa Madaxweynaha inuu qeexo mudnaanta dowladda iyo tilmaamaha siyaasadda ee sanadka soo socda.
Khudbadda Xaaladda Qaranka ayaa la gudbiyaa iyadoo la raacayo Qodobka 132 (1) ee Dastuurka, kaas oo dhigaya in Madaxweynuhu uu khudbad gaar ah ka jeediyo Baarlamaanka hal mar sannadkii.




