Shabakad dadka lagu dhacayay oo lagu burburiyay Nakuru

0
163

Waxaa deegaanka Molo ee ismaamulka Nakuru lagu burburiyey shabakad dhanka online-ka ah oo dadweynaha lagu khiyaanayay.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa laga soo xigtay in howlgalkan oo ku saleysnaa xog sirdoon uu ka dhacay aagga Tayari ee Molo.
Waxaa la bartilmaameedsaday dhisme ay khiyaannada ka socotay.
Booliiska ayaa xusay in howlgalkaasi lagu soo helay boqolaal ah leemanka lagasho taleefoonnada gacanta ee loo yaqaano SIM Cards, dokumeentiyada aqoonsiga qaran, taleefoonno iyo agabka baabuurta.
Intii uu howlgalka socday waxaa la xiray 8 qof oo eedeysanayaal ah.
Waxaa goobta ka baxsaday labo kale oo lagu raad joogo.