IEBC oo qirtay in diiwaangelinta codbixiyeyaasha cusub ay gaabis tahay

0
114

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha dalka ee (IEBC) ayaa qiray gaabiska diiwaangelinta codbixiyeyaasha sababo la xiriira goobaha diiwaangelinta oo xaddidan iyo caqabado kale oo dhinaca saadka ah, iyagoo xaqiijiyay in xarumo diiwaan gelin oo dheeraad ah iyo xoghayayaal la geyn doono dalka oo dhan ka dib doorashooyinka ku celiska ah ee 27-ka November ee sanadkan si loo kordhiyo tirada ka hor 2027-ka.
Guddoomiyaha IEBC Erastus Ethekon ayaa sheegay in tirada hadda ee codbixiyeyaasha cusub ee isdiiwaangeliyay ay ka hooseyso filashooyinka balse waxaa uu kalsooni ka muujiyay in ololaha diiwaangelinta ballaaran ay sii dardargelin doonaan marka doorashooyinka ku celiska ah la soo gabagabeeyo.
Isagoo ka hadlayay magaalada Mombasa intii lagu jiray madal ku saabsan codbixinta dhallinyarada, Ethekon aya waxaa uu ku adkeystay in guddiga ay ka go’an tahay inuu gaaro yoolkiisa inkastoo ay jiraan caqabado.
Ethekon ayaa ku nuuxnuuxsaday in inkastoo diiwaangelinta codbixiyeyaasha ilaa hadda laga sameeyay oo keliya xafiisyada doorashada, taasoo xaddidaysa diiwaangelinta muwaadiniin badan, haddana guddiga ayaa higsanayaa inuu dhiso 30,000 oo meelood oo diiwaangelin ah si loo hubiyo in dad badan oo Kenyaan ah loo diiwaangelin karo.
Waxaa uu intaas ku daray in ka dib doorashooyinka ku celiska ah, IEBC ay geyn doonto xoghayayaal diiwaangelin ah qiyaastii 1,450 waaxood.
Madaxa fulinta ee IEBC Marjan Xuseen Marjan ayaa soo hadal qaaday dib u dhaca ku yimid bixinta kaararka aqoonsiga inay tahay arrin kale oo gacan ka geysanaysa tirada diiwaangelinta oo hooseysa.
Dowladda ayaa waxaa ay dhawaan meesha ka saartay lacagaha diiwaangelinta aqoonsiga iyo beddelka muddo lix bilood ah si loo fududeeyo helitaanka dukumentiyada muhiimka ah.