Kenya ayaa Isniintii si rasmi ah uga furtay xafiis qunsuliyadeed magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya, taasoo la filayo inay xoojiso xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee labada dal.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta, qunsuliyadda cusub ayaa waxaa ay u adeegi doontaa in ka badan 160,000 oo Kenyaan ah oo ku nool Jeddah, taasoo la jaanqaadaysa siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya si ay u bixiso adeegyada muwaadiniinta dibadda.
Furitaanka qunsuliyadda, oo ah heshiis diblomaasiyadeed oo u oggolaanaya waddan inuu ka shaqeeyo magaalo ka mid ah waddan kale si uu u bixiyo adeegyada muwaadiniintiisa ayaa waxaa furay Xoghayaha Guud ee Arrimaha Dibadda Korir Sing’Oei oo matalaya dowladda Kenya, oo ay weheliyaan Fareed Al-Sheihri, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee gobolka Makka.
Xafiiska ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday qorshahiisa istaraatiijiyadeed ee 2024-2027 si loo ilaaliyo diblomaasiyadda iyo isla xisaabtanka iyadoo la horumarinayo danaha Kenya iyo barwaaqada ay wadaagaan labada dal.
Intii lagu jiray munaasabadda furitaanka, Sing’Oei ayaa ku ammaanay shaqaalaha qunsuliyadda shaqadooda wanaagsan waxaa uuna ku boorriyay inay sii wadaan iskaashiga mustaqbalka.
Intaa waxaa dheer, Xoghayaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in dhismaha qunsuliyadda guud ee Jeddah ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday horumarinta ganacsiga, maalgashiga, shaqada, dalxiiska, waxbarashada, iyo isdhexgalka dhaqanka ee Kenya ay la leedahay Sacuudi Carabiya.
Xafiiska cusub ee Kenya ayaa taageero ka helay xafiisyada qunsuliyada guud ee waddamada sida Tanzania, Cote d’Ivoire, Cameroon, Philippines, Djibouti, Somalia, Bangladesh iyo Gambia.




