NPS oo ku dhawaaqday taarikhda cusub ee shaqaalaysiinta booliiska

0
121

Adeegga Qaran ee Booliiska (NPS) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay taariikhda qorista askarta booliiska ee xigta ka dib markii la qaaday amarrada maxkamadda oo horey u hor istaagay howsha.
Taliyaha Guud ee Booliiska Douglas Kanja ayaa xaqiijiyay in shaqaalaysiinta ay ka dhici doonto guud ahaan dalka 17-ka bishan November.
Sida laga soo xigtay NPS, codsadayaasha ayaa laga rabaa inay buuxiyaan shuruudaha ugu yar, oo ay ku jiraan inay yihiin muwaadiniin Kenyaan ah oo da’doodu u dhaxayso 18 iyo 28 sano, haysta aqoonsi qaran oo ansax ah, iyo inay haystaan ugu yaraan buundada D+ ee imtixaanka shahaadiga ee KCSE-da sidoo kalane ay wataan ugu yaraan buundada D+ luuqadaha Ingiriisi ama Sawaaxiliga.
Codsayaasha ayaa sidoo kale looga baahan yahay inay jir ahaan iyo caafimaad ahaanba taam ahaadaan, iyadoo dhererka ugu yar ee ragga uu yahay 5ft 8in iyo 5ft 3in dumarka. Codsadayaasha dumarka ah waa inaysan uur lahayn inta lagu jiro qorista ama tababarka.
Isla mar ahaantaana, kuwa haysta diiwaan dambiyeed ama dacwado sugaya ma noqon doonaan kuwo aan u qalmin, halka qalinjabiyayaasha Adeegga Dhalinyarada Qaranka (NYS) ee buuxiya shuruudaha ugu yar lagu dhiirigelinayo inay codsadaan.
NPS waxay ku adkaysatay in habka shaqaalaysiinta uu noqon doono mid bilaash ah, qof kasta oo lagu helo inuu ku lug leeyahay laaluush si uu u saameeyo hawshana uu wajihi doono tallaabo sharci ah.