Booliska Siaya oo baaraya haweeneey xalay meydkeeda la helay

0
322

Booliska dowlad deegaanka Siaya ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan dilka haweeney 18 jir ah oo meydkeeda laga helay geed ku yaal wadada dhinaceeda ee Tuulada Achage, ee deegaanka Nyandiwa.
Sida laga soo xigtay warbixin booliis, meydka waxaa fiidnimadii xalay helay laba nin, kuwaas oo ku wargeliyay odayaasha tuulada.
Saraakiisha Saldhigga Booliska Siaya ayaa booqday goobta, waxayna sameeyeen baaritaan , ka dibna meydka waxay u qaadeen qolka meydadka ee Isbitaalka guud Siaya.
Haweeneeyda la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Christine Achieng, oo ahayd qof ka shaqeysan jirtay makhaayadd ku taala aaga Usenge, oo ka tirsan degmada Bondo.