Meydka Raila Odinga oo la aasi doono Axadda

0
303

Guddiga loo xil saaray qorsheynta aaska qaran ee ay dowladdu u sameynaysa Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka sidoo kalena ahaa madaxii xisbiga ODM Raila Odinga oo shalay geeriyooday ayaa shaaciyay in meydka Mr. Odinga la aasi doono Axadda.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki oo guddigan hoggaaminaya ayaa xalay sheegay in ka dib wada tashi ay la yeesheen xubnaha qoyska la isku afgartay in aaska uu dhaco muddo 72 saacadood gudahooda mise saddex cishe ka dib geerida Raila sidii uu horay uga dardaarmay.
Kindiki oo shir jaraa’id ku qabtay hooygiisa rasmiga ee xaafadda Karen ayaa tilmaamay in Raila uu u muujiyay qoyska inuu jeclaan lahaa in meydkiisa la aaso muddo kooban gudaheeda.
Waxaa uu Kindiki intaasi ku daray in sidii uu shalay shaaciyay madaxweynaha qaranka Dr. William Ruto in Raila loo sameyn doono aas qaran oo uu u dhameystiran yahay maamuuska dowladeed.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa xusay in Nairobi iyo magaalooyinka kale ee waawayn ee dalka laga sameyn doono meelo lagu rakibaya shaashado ay kenyaanka kala socon karaan dhacdooyinka aaska.
Berri oo Jimco ah ayaa baroordiiq qaran lagu qaban doonaa garoonka cayaaraha ee Nyayo National Stadium ee magaalada Nairobi.
Waxaa baroordiiqa ka qayb gelaya wufuud maxalli iyo kuwo heer caalami ah.
Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay intaasi ka dib in meydka Raila Odinga la geyn doono hooygiisi xaafadda Karen ee magaalada Nairobi ka hor inta aan subaxa Sabtida ah loo qaadin Kisumu.
Maalinka Sabtida, dadweynaha ayaa fursad u heli doono in laga billaabo 9-ka subaxnimo ilaa 3-da galabnimo ay eegaan meydka Raila oo la geyn doono fagaaraha Moi Stadium ka hor inta aan loo sii qaadin deegaanka Bondo ee ismaamulka Siaya oo Axadda aas qaran loogu sameyn doono.