DHEGEYSO:Dowladda oo shaacisay in berri ay tahay maalin fasax ah

0
205

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr. Kipchumba Murkomen ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda ku shaaciyay in berri oo Jimco ah 17-ka bishan Tobnaad ee Oktoobar ay tahay maalin fasax qaran ah.
Waxaa uu xusay in tani lagu sharfaya Ra’iisul Wasaarihii hore ee waddanka ee geeriyooday Raila Odinga.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo uu qorshuhu yahay in berri la qabto baroordiiq qaran oo ay ka qayb galayaan wufuud maxalli iyo kuwo heer caalami ah.
Baroordiiqa ayaa ka dhici doono garoonka cayaaraha ee Nyayo National Stadium ee magaalada Nairobi.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa xalay sheegay in intaasi ka dib meydka Raila Odinga la geyn doono hooygiisi xaafadda Karen ee magaalada Nairobi ka hor inta aan subaxa Sabtida ah loo qaadin Kisumu.
Maalinka Sabtida, dadweynaha ayaa fursad u heli doono in laga billaabo 9-ka subaxnimo ilaa 3-da galabnimo ay eegaan meydka Raila oo la geyn doono fagaaraha Moi Stadium ka hor inta aan loo sii qaadin deegaanka Bondo ee ismaamulka Siaya oo Axadda aas qaran loogu sameyn doono.
Waxay tani micnaheedu tahay in berri ay xirnaan doonaan xafiisyada dowladda , dugsiyada iyo ganacsiyada intooda badan.
Raila Amolo Odinga ayaa lagu xusuustaa inuu sanado badan u soo halgamay dimuqraadiyadda , maamul wanaagga iyo midnimada.
Qaar ka mid ah taageerayaashii Raila Odinga oo dareenkooda la wadaagay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku xusuusan doonaan la xisaabtankii dowladda.