Maanta oo isniin ah oo dalka laga bilaabi doono Wareysiyada maalgelinta NYOTA

0
154

Waxaa maanta oo isniin ah guud ahaan dalka laga bilaabi doona Wareysiyada maalgelinta NYOTA.
Tan ayaa imaanaysa iyadoo shalay Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto uu shaaciyey in maanta deegaan kasta laga billaabi doono in la soo xulo 100,000 oo qof oo ganacsato da’yar ah.
Ujeeddada laga leeyahay arrintan ayaa ah in la helo dhallinyaro ay dowladdu siiso 50,000 oo shilin oo ay ku kobciyaan ganacsigooda.
Waxaa barnaamijkan oo ay ku baxaysa 5 bilyan oo shilin iska kaashanaya dowladda Kenya iyo Bangiga Adduunka ee World Bank.
Wuxuu qorshuhu yahay in mid kasta oo ka mid ah 1,450-ka deegaannada hoose ama wards ee dalka laga soo xulo 70 dhallinyaro ah.