Hal qof oo mayd ah ayaa laga soo saaray biyaha badweynta Hindiya, ka dib shilkii doonidii Jimcihii ka dhacday Tudor Mombasa xili ay socotay tartanka ciyaaraha doomaha .
Madaxweyne ku xigeenka dalka Kithure Kindiki oo ku soo wareegay goobta shilku ka dhacay ayaa ballan qaaday in dowladdu ay garab istaagi doonto qoysaska dhibaatadu soo gaartay, iyo taageero bulsho oo nafsi ah oo la siinayo 19 kale oo ka badbaaday dhacdadan.
Wuxuu xaqiijiyay in dadaallada lagu baadi-goobayo labada qof ee soo hartay ay socdaan, iyadoo uu ku ammaanay dadkii ugu horreeyay ee ka jawaabay tallaabada degdegga ah ee lagu soo badbaaday dad badan.
Waxaa uu shaaca ka qaaday in dowladda dhexe iyo ismaamulka Momabsa ay bixin doonaan qarashka ku baxaya aaska dadka dhintay.
Barasaabka Mombasa Abdulswamad Nassir iyo Xildhibaanka deegaanka Jomvu Badi Twalib oo la socday madaxweyne ku xigeenka qaranka ayaa ugu baaqay ciidamada badda ay sii wadaan indha indheynta labada nine ee biyaha ku dhex maqan.
Qabanqaabayaashi xaflada ciyaaraha Tudor ee tartanka doomaha biyaha ayaa lagu dhaliilay inay ka gaabiyeen badqabka dadkii ka qeyb galayay ciyaarahaas.