Bangiga Equity ayaa ku beeray geedo dhan 1.8 milyan guud ahaan dalka.
Waxaa uu bangigu barnaamijkan la kaashaday dowladaha ismaamullada iyo hay’adaha waxbarashada.
Agaasimaha guud ee Bangiga Equity Polycarp Igathe horayna u soo noqday guddoomiye ku xigeenka ismaamulka Nairobi ayaa sheegay in arrinkan laga fulinayo qaybaha kala duwan ee wadanka looga gol-leeyahay ilaalinta bilicda deegaanka.
Xilli uu ku sugnaa dowlad deegaanka Mombasa ee gobolka Xeebta ayuu sheegay in ololaha dhirtu uu qayb ka yahay himilada bangiga ee ah inuu gacan ka geysto yareynta saameynta isbeddelka cimilada ee guud ahaan dalka.
Mr. Igathe oo uu weheliyo barasaab ku xigeenka ismaamulka Mombasa Dr. William Kingi ayaa sheegay in bangiga uu la shaqeynayo qeybaha maamulka iyo hay’adaha waxbarashada si loo gaaro meelo balaaran oo geedo lagu beero.
Labada mas’uul ayaa hogaaminayay koox si iskood isu xilqaamay oo shalay 2000 geedo ah ku beeray deegaanka Kisauni ee ismaamulka Mombasa.
Igathe ayaa sheegay in iskaashiga ay la leeyihiin dowladda ismaamulka Mombasa ay horseedi doonto in 300,000 oo geedo ah sanadkiiba lagu beero gobolka Xeebta.
Guddoomiye ku xigeenka ismaamulka Mombasa Dr. Kingi ayaa uga mahadceliyey bangiga Equity abuuridda geedo badan guud ahaan dalka, isagoo sheegay in ay wax badan ka tari doonto sidii dalka looga caawin lahaa inuu gaaro boqolkiiba 10 baaxadda keynta sida ay ku talisay jimciyadda qurumaha ka dhaxeyso.