Xoolo dhaqatada oo loogu baaqay in ay xalliyaan khilaafka ku soo noqnoqday

0
402

Guddoomiyihii hore ee guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC Francis ole Kaparo ayaa hoggaamiyaasha laga soo doortay deegaannada xoolo dhaqatada ee dalka ka codsaday in ay xal u raadiyaan iskudhacyada bulshooyinkan in muddo ah ka dhex jiray.
Xilli uu kulan la qaatay xubno ka tirsan qowmiyadaha Samburu iyo Pokot ayuu Kaparo xusay in madaxda iyo shacabka laga doonayo in ay muujiyaan sida ay uga go’an tahay in laga heshiiyo waxyaabaha inta badan sababo isku dhacyada.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay burcadnimada, dhaca xoolaha iyo muranka la xiriira kheyraadka .
Mr.Kaparo ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in labadan qowmiyadooda ay sanado badan dagaalamayeen.
Waxaa uu xoolo dhaqatada ugu baaqay in ay adeegsadaan xeer dhaqameedka lagu xoojiyo nabadda iyo wadajirka.