DHAGEYSO:2 burcad ah oo lagu xiray Mombasa

0
481

Saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta ayaa gacanta ku dhigay labo xubnood oo ka tirsan koox burcad oo dhaawac daran u geystay nin jiifay qolkiisa ka dib markii ay bangad ku jar jareen.
Shakhsiyaadka ayaa ku dhuumaleysanayay aagga Mlaleo ee deegaanka Nyali ismaamulka Mombasa.
Burcadda ayaa falal dhac ah iyo weerarro halis ah ka geysan jiray magaalada Mombasa.
Taliyaha booliska ee deegaanka Nyali, Daniel Masaba ayaa sheegay in booliska ay ku raad joogaan saddex burcad ah oo goobta ka baxsaday.
Waxaa uu u mahadceliyey dadweynihii laamaha ammaanka ku soo wargeliyay burcaddan oo falka foosha xun gaystay.

Shacabka deegaanka Nyali oo ka hadlay arrinkan ayaa u riyaaqay sida deg deg ah ay laamaha amaanka uga falceliyeen dhacdadan.

Ninka dhaawaca loo geystay ayaa loola cararay isbitaalka guud ee gobolka xeebta islamarkaana xaaladiisa caafimaad ay haatan liidata.