Ciidamada Israa’iil oo toogasho ku dilay sagaal Falastiiniyiin ah

0
429

Ilo caafimaad ayaa u sheegay warbaahinta caalamiga ee Aljazeera qaybteeda Carabiga in ciidamada Israa’iil ay dileen ugu yaraan sagaal Falastiiniyiin ah.
Waxaa dadkan looga takhalusay weerarro dhacay aroornimadii hore ee maanta lagana gaystay guud ahaan Qaza.
Magaalada Khan Younis, oo ku taalla koonfurta Gaza ciidamada Israa’iil ayaa gantaal ku dhuftay teendho, taasoo ay ku dhinteen ugu yaraan shan qof, sida ay sheegeen ilo ka tirsan howlwadeennada Isbitaalka Nasser.
Shalay ayay ahayd markii ay ciidamada Israa’iil ay Qaza ku dileen in ka badan 74 qof oo Falastiiniyiin ah.
Waxaa dadkan ku jiray 36 qof oo raadinayay gargaar bani’aadminimo, sida ay sheegeen ilo caafimaad.
Isra’iil waxay u oggolaaneysaa kaliya 86 gaari oo gargaar ah inay galaan Gaza maalin kasta, taasoo u dhiganta kaliya 14 boqolkiiba tirada ugu yar ee 600 oo gaari oo gargaar ah oo loo baahan yahay maalin kasta si loo daboolo baahiyaha aasaasiga ah ee dadka, sida ku cad xogta Xafiiska Warbaahinta Dowladda Gaza.
Masuul sare oo ka tirsan Xamaas laguna magacaabo Osama Hamdan, ayaa sheegay in “gaajada qorsheysan” iyo xasuuqa Israa’iil ee Gaza ay yihiin “dembi ka dhan ah aadanaha”, wuxuuna ku baaqay in bulshada caalamku si degdeg ah arrintan wax uga qabato.
Dagaalka Israa’iil ee Gaza ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 60,933 qof sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 150,027 ruux.