Ku xigeenka madaxa xisbiga DCP, Cleophas Malala ayaa wacad ku maray in haddii dowladda dhexe aynan muddo toddobaad gudaheeda ah ku soo saarin lacagaha loogu talagalay dugsiyada in ay hoggaamin doonaan dibadbax qaran oo ay ardayda ka qayb qaadanayaan.
Waxaa uu arrintan ka sheegay ismaamulka Embu.
Malala ayaa maamulka madaxweyne William Ruto u qabtay ugu dambeyn 8-da bisha Sideedaad ee August ee sanadkan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ay dalbanayaan in ugu dambeyn xilligaasi ay dowladdu dugsi kasta gaarsiiso miisaaniyadda loo qoondeeyay howlaha waxbarashada haddii kale uu dhici doono mudaaharaad qaran oo uu ka mid yahay socdaal lagu tagaya madaxtooyada qaranka ee State House ee magaalada Nairobi.
Hasa ahaate , madaxweyne ku xigeenka dalka Prof.Kithure Kindiki ayaa xilli uu ku sugnaa deegaanka Kanduyi ee ismaamulka Bungoma kenyaanka u xaqiijiyay in uunan jirin qorsho lagu dhimaya miisaaniyadda waxbarashada.
Waxaa uu sheegay in maamulka Kenya Kwanza ay ka go’an tahay inuu si buuxda u maalgeliyo tacliinta hoose dhexe iyo tan sare.
Kindiki ayaa ku celceliyay in aan marnaba la carqaladeyn doonin horumarka laga gaaray waaxda waxbarashada ee dalka.