DHEGEYSO:Shacabka Watamu oo ka faa’iidaystay barnaamij caafimaad oo uu soo qaban qaabiyay wakiilkooda

0
419

In ka badan 4000 oo qof oo ku nool deegaanka Watamu ee ismaamulka Kilifi ayaa daweyn lacag la’aan ah ka helay Dhakhaatiir Mareykan ah oo ku sugan deegaanka.
Waxaa barnaamijkan soo abaabulay wakiilka laga soo doortey deegaanka Ibrahim Cabdi isaga oo kaashanaayo wasaaradda caafimaadka ee dowlad deegaanka Kilifi.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka, Wakiil Ibrahim iyo Wasiirka Caafimaadka ee Kilifi Peter Mwarogo ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta.