Nin cunugiisa oo afar jir ah ku dilay Nakuru ka dib isaga nafta isdaafiyay

0
436

Dadka ku nool xaafada Buruburu ee deegaanka Bariga Nakuru, ayaa aad uga naxay dhacdo uu nin ku dilay wiil uu dhalay oo 4 jir ah ka hor inta uusan nafta is daafin.
Taliyaha booliiska ee Bariga Nakuru Samson Adanje ayaa xaqiijiyay dhacdadan, wuxuuna ninka geeriyooday magaciisa ku sheegay Denis Michael Nthenge.
Booliiska ayaa waxaa ay rumaysan yihiin in Nthenge uu ku qasbay wiilkiisa inuu cabbo sun ka hor inta uusan iska soo lalmin saqaafka gurigooda habeenimadii xalay.
Dadka deriska la ah ayaa sheegay in Nthenge uu khilaaf guri kala dhexeeyay xaaskiisa, taasoo ku maqneed guriga waalidiinteed xilliga uu falka dhacay.
Booliiska ayaa sheegay in Nthenge uu ka tagay warqad qoraal ah oo uu ku eedeynayo inuu xaaskiisa uga shakiyay inay nin kale u galmootay.