Hoggaamiyayaasha Isiolo oo Ruto ka codsaday in uu anshax mariyo saraakiisha hurinaya qalalaasaha siyaasadeed ee ismaamulka

0
430

Hoggaamiyayaasha ismaamulka Isiolo ayaa ugu baaqay madaxweyne William Ruto inuu talaabo adag ka qaado mas’uuliyiinta ugu sareysa maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda ismaamullada deriska la ah oo ay ku andacoonayaan inay faragalin ku hayaan maamulka deegaanka isla markaana ay hurinayaan qalalaase siyaasadeed oo ka taagan Isiolo.
Hoggaamiyayaashan oo ay gar wadeen u ahaayeen wakiilka haweenka ee Isiolo Muumina Bonaya iyo gudoomiyihii hore ee Godana Doyo, oo Isniintii la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in faragelinta joogtada ah ee siyaasiyiinta shisheeye ay khatar ku tahay nabadda iyo midnimada Isiolo, ayna keeni karto kala qaybsanaan culus haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.
Muumina ayaa ka codsatay Madaxweynaha inuu anshax mariyo siyaasiyiinta lagu eedeeyay inay ka tageen waajibaadkooda qaran si ay diiradda u saaraan xasilloonida Isiolo.
Waxaa ay sidoo kale sheegtay in mas’uuliyiintan ay la safteen siyaasadda deegaanka Isiolo ayna si khaldan u isticmaalayaan boosaskooda si ay u taageeraan dadaallada lagu kala qaybinaayo bulshada Isiolo oo uu ka mid yahay mooshinkii xil ka qaadista ee fashilmay ee ka dhanka ahaa guddoomiye Cabdi Guyo.
Hogaamiyayaasha ayaa ka dalbaday madaxweyne Ruto in uu gacan bir ah ku qabto shaqsiyaadka mas’uulka ka ah xiisadaha sii kordhaya.
Shirka jaraa’id oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyayaasha hadda iyo kuwii hore, xirfadlayaasha bulshada, iyo daneeyayaasha siyaasadda, ayaa sidoo kale looga hadlay sheegashada ah in Isiolo ay isaga baxeyso maamulka Kenya Kwanza.