DHEGEYSO:IEBC oo sheegtay in doorashada xigta loo maareyn doono si hufan

0
207

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC ayaa war saxaafadeed uu soo saaray waxaa uu walaac uga muujiyay hadallada ay jeedinayaan siyaasiyiinta ee ah in wax isdaba marin la sameyn doono xilliga doorashada guud ee xigta.
Waxaa uu guddigu sheegay in hadalladan ay yihiin kuwo aan laga fiirsan oo aan la aqbali karin.
IEBC ayaa kenyaanka kula talisay in ay iska dhaga tiraan oraahda noocani ah oo aan guddiga lala xiriirin.
Guddiga ayaa dhammaan saamileyda oo ay ka mid yihiin madaxda siyaasadeed ugu baaqay in ay iska ilaaliyaan hadallada dhaawici karo kalsoonida shacabka ay ku qabaan maareynta codeynta.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu waajibaadkiisa u gudan doono si madax bannaan si loo xaqiijiyo in doorashada xigta ay noqoto mid xor iyo xalaal ah.
Shalay ayay ahayd markii wakiilka haweenka ee ismaamulka Wajeer Fatuma Cabdi Jeexow ay tilmaantay in doorashada la faragelin doono.

Hasa ahaate , waxaa hadalkaasi cambaareeyay senatarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna iyo xildhibaanka deegaanka Saboti ee ismaamulka Trans Nzoia Caleb Amisi.

Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Geoffrey Ruku ayaa dhankiisa guddiga IEBC ugu baaqay inuu qaado dhammaan tallaabooyinka uu ugu diyaar garoobaya maareynta doorashooyinka yaryar iyo codeynta guud ee sanadka 2027-da.
Ruku ayaa deegaanka Njoro ee ismaamulka Nakuru ka sheegay in ay qasab tahay in IEBC ay xilli hore dejiso nidaamyada dhanka sharciga iyo tasiilaadka kale .

Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan la magacaabay oo la dhaariyay guddoomiyaha cusub ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC Erastus Edung Ethekon iyo saraakiisha sare oo kala ah Ann Njeri Nderitu, Moses Alutalala Mukhwana, Mary Karen Sorobit, Xassan Nuur Xassan, Francis Odhiambo Aduol iyo Fahima Araphat Abdallah.