Afar qof oo muhaajiriin ah oo ku dhimatay dooni ku degtay Jamhuuriyadda Domi nican

0
413

Afar Qaxooti iyo Muhaajiriin ah ayaa geeriyootay ilaa 20 kalena waa la la’yahay kadib markii doonidii ay la socdeen ay ku degtay Xeebaha Jamhuuriyadda Dominican ee Kariibiyaanka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.
Wakaaladda difaaca madaniga ah ee Dominican oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay Jimcihii in 17 qof oo kale laga soo badbaadiyay doonida oo ay saarnaayeen ku dhawaad 40 qof, waxayna ku sii jeedday Puerto Rico oo ka tirsan dhulka Mareykanka