Martha Koome: Qaadiga waxaa uu u taagnaa cadaaladda

0
777

Madaxa waaxda cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome ayaa sheegtay in Sheekh Athman AbdulHalim Hussein oo ahaa qaadigii guud ee Kenya oo xalay Mombasa ku geeriyooday uu ahaa shakhsi u taagnaa cadaaladda.
Waxay bayaan ku xustay in iyadoo matalaysa waaxda garsoorka ee waddanka ay murugada la qaybsanaysa muslimiinta , gaar ahaan qoyskiisi.
Waxay ku sifeysay shakhsi looga bartay dadaal iyo hufnaan.
Sidoo kale , waxay Martha Koome xustay inuu u ololeyn jiray cadaaladda iyo sinnaanta gaar ahaanna arrimaha xeerarka islaamiga ah.
Madaxa cadaaladda dalka ayaa sheegtay in geerida Sheekh Athman aynan keliya ahayn dharbaaxo xooggan oo soo gaartay waaxda garsoorka balse guud ahaan qaranka.
Waxay intaasi ku dartay in lagu xusuusan doono inuu lahaa mabd’a sidoo kalena uu u istaagay wadajirka nabdoon, qadarinta kala duwanaanshaha iyo wada noolaanshaha bulshada.
Waxaa sidoo kale tacsi tani la mid ah diray wasiirka macdanta ee dalka Cali Xasan Joho, madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka , xoghayaha guud ee xisbiga waddanka hoggaamiyaha ee UDA Xasan Cumar , barasaabka ismaamulka Kilifi Gideon Maitha Mung’aro, xildhibaanka deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Kaynaan Wehliye, xildhibaanka deegaanka Nyali ee Mombasa Maxamad Cali , barasaabka ismaamulka Homa Bay Gladys Wanga iyo dhiggeeda Kirinyaga Anne Waiguru.
Waiguru ayaa dhankeeda sheegtay in Sheekh Athman uu door wayn ku lahaa isbeddellada maxkamadaha ay ka howlgalaan qaadiyaasha ee dalka, horumarinta cadaaladda gaar ahaan haweenka iyo carruurta.
Waxay intaasi ku dartay inuu ahaa shakhsi mideeya qaranka.
Maamulka masjidka wayn ee Jamia ee magaalada Nairobi ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay geerida qaadigii guud ee dalka Sheekh Athman AbdulHalim Hussein oo ay qoyskiisa sheegeen inuu muddo xanuunsanaa.
Bayaanka masjidka Jamia waxaa ku cad in qaadiga uu culuunta shareecada islaamka ka qaatay jaamacadda caanka ah ee Al-Azhar ee dalka Masar.
Sheekh Athman ayaa waaxda garsoorka ee Kenya ka howlgalayay ku dhawaad 20 sano wuxuuna sidoo kale xubin ka ahaa dalladda culimada masjidka wayn ee Jamia ee magaalada Nairobi.
Ka hor inta aan sanadkii 2023-kii loo magacaabin qaadiga guud ee dalka , waxaa uu ka soo shaqeeyay maxkamadaha ismaamullada Mombasa, Isiolo, Kwale iyo Nairobi.
Alle ha u naxariistee Sheekh Athman AbdulHalim Hussein ayaa 54 sano ka hor ku dhashay Malindi halkaasoo uu ku barbaaray.
Waxaa uu dhigtay dugsiga hoose dhexe ee Watamu iyo dugsiga sare ee Malindi High School.
Sidoo kale waxaa uu wax ku bartay Madrasatul Tawheed, ka hor inta uunan deeq waxbarasho ka helin jaamacadda Al-Azhar University ee magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Waxaa uu qorshuhu yahay in galabta salaadda janaasada ee meydkiisa lagu tukado masjid Nuru oo ku yaalla xaafadda Bondeni ee Mombasa ka hor inta aan lagu aasin xabaalaha Kikowani ee qaybta Seif Halwa .