Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa warqadaha aqoonsiga aqalka wadanka looga arrimiyo ee State House ee magaalada Nairobi kaga guddoomay danjiraha cusub ee Burundi Evelyne Habonimana.
Waxaa munaasabadaasi ka qayb galay wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya iyo xoghayaha joogtada ee wasaaradda Macharia Kamau.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Burundi ay danjire cusub u soo wakiilato Kenya.
Tallaabadan ayuu xusay in ay sare u qaadayso xiriirka dibloomaasiyadeed ee ka dhexeya labada waddan.