Waxaa isa soo taraya cadaadiska dowladda lagu saaraya wax ka qabashada shaqaaqooyinka iyo dilalka sharci darrada ah ee ay gaystaan saraakiisha ammaanka marka ay ka falcelinayaan dibadbaxyada.
Talaadadii ayay ahayd markii sarkaal booliis ah uu toogtay Boniface Kariuki oo 22 sano jir ah oo iibinayay maaskaro.
Waxaa xilligaasi bartamaha caasimadda dalka ee Nairobi ka socday dibadbax looga soo horjeedo dilkii Albert Ojwang oo ay ciidamada ammaanka xireen.
Agaasimaha fulinta ee hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha , Amnesty International laanteeda Kenya Irũngũ Houghton oo u warramayay telefishinka maxalliga ee NTV ayaa ku baaqay in maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska ee (IPOA) la siiyo awoodo dheeraad ah.
Waxaa uu soo jeediyay in loo baahan yahay in IPOA loo fasaxo in ay xirto ciidamada booliiska ee lagu eedeyo habdhaqan xumada.
Dhanka kale, labo booliis ah oo loo haysto toogashadii Boniface Mwangi Kariuki ayaa maanta ka soo hormuuqday maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi.
Klinzy Baraza Masinde iyo Duncan Kiprono ayuu garsoore BenMark Ekhubi amray in xabsiga lagu hayo muddo 15 cishe ah inta laga soo gabagabeynaya baaritaannada ka dhanka ah.
Maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska ee IPOA ayaa codsanayay in eedeysanayaasha ay xabsiga ku jiraan 21 cishe.
Xildhibaanka deegaanka Kangema ee ismaamulka Muranga Peter Kihungi ayaa dowladda ugu baaqay in ay tallaabo adag oo sharciyeed ka qaaddo ciidamada ammaanka ee gaysta dilalka sharci darrada ah.
Waxaa uu sheegay in dhaqankan uu sumcad xumo ku yahay maamulka talada waddanka haya ee Kenya Kwanza.