Ganacsade Philip Aroko oo lagu soo rogay amarro dhowr ah iyadoo lala xariirinaya dilka xildhibaankii Kasipul

0
439

Ganacsade Philip Aroko, oo ah tuhmane muhiim ah oo loo haysto dilka xildhibaankii deegaan baarlamaaneedka Kasipul ee ismaamulka Homa Bay Charles Were, ayaa maxkamada (JKIA) ku sii deysay damiin lacageed oo dhan Ksh.300,000.
Garsooraha Maxkamadaasi Irene Gichobi ayaa shuruudo dhowr ah ku soo rogtay sii deynta Aroko.
Waxaa lagu amray in uu Baasaboorkiisa u dhiibo Maxkamadda, waxaana laga mamnuucay in uu u safro Homa Bay, oo ah deegaanka uu ka soo jeeday Xildhibaankii geeriyooday.
Intaa waxaa dheer, maxkamaddu waxay ka mamnuucday inuu la xiriiro xubnaha qoyska, tuhmanayaasha kale, ama cid kasta oo kiiska xiriir la leh.
Maxkamada ayaa sidoo kale amar ku bixisay in Aroko uu ka waantoobo inuu faraha la galo cadeymo kasta oo muhiim u ah baaritaanka socda.
Waxaa sido kale lagu amro in usbuucii laba jeer uu iska caadiriyo xarrunta dambi baarista ee dalka ee DCI-da.