22 qof oo rakaab ah oo la socday bas ku sii jeeday Kisii ayaa ku dhaawacmay shil ka dhacay wadada weyn ee isku xirta Bomet iyo Kisii ee deegaanka Mumberes ee Sotik ee ismaamulka Bomet.
Taliyaha Booliska taraafikada ee dowlad deegaanka Bomet Amos Namasaka ayaa sheegay in basku uu wadada ka baxay si uu isaga ilaaliyo baabuur kale oo ku soo wajahnaa.
Dadka dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaalka Kaplong si ay daawo u helaan.
Booliska ayaa sheegay in aysan jirin cid ku dhimatay shilkaas.
Waxaa ay intaa sku dareen in ay baaritaan ku hayaan dhacdadan.
Shilka ka dib, isu socodka gaadiidka ee wadada weyn ee Kisii-Narok ayaa hakad ku yimid iyadoo markii dambe hawlaha wadadaasi ay si caadi ah ku soo laabatay.