DHAGEYSO:Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo ka hadlay muhiimada lacagaha mobilka la isugu diro

0
295

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaah oo ka hadlayay Munaasabada Ruqsada shaqada lagu gudoonsiinayay Shirkada Somtel ayaa sheegay in Shirkadaha ka shaqeeya arimaha la Xiriira lacagaha Telefoonka la isugu diro ay hanaanka Maaliyada wadanka Soomaaliya aad Muhiim ugu Yihiin maadaama ay dalka ka soo shaqaynayeen Xili wadanka aysan dowlad iyo sharciyadii dhaqaalaha ka jirin ayna qayb weyn ka soo qaadeen Hormarka dhaqaalaha wadanka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaah ayaa sheegay inuu Bankigu dhamaystiray dhamaan sahrciyada Mobil Moneyga ama Lacaga Telefoonada la isugu diro wuxuuna Tilmaamay inay tahay Talaabo dhanka Hormarka dhaqaalaha loo qaaday.

Gudoomiya Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay sidoo kale in Xeernimaadiyaha shirkadaha Mobilada lacagta ku dira ay la socdaan Xaquuq iyo Waajibaad balaadhan wuxuuna Shirkadha aan wali qaadan ruqsadda Lacagaha Mobile-ka uu sheegay inay furan tahay fursad ay ku soo dalban karaan ruqsadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here