Ciidamada ammaanka ee dalka Niger ayaa wado baaritaano ku aaddan dhacdo habeenimadii ay Sabtida soo galaysay ay rag hubeysan ku weerareen guriga madaxa baarlamaanka wadankaasi Seini Oumarou.
Waxaa falkaasi lagu dilay mid ka mid ah ilaalada halka mid kalena la dhaawacay.
Waxaa falkan gaystay rag hubeysan oo mooto adeegsanayay sida laga soo xigtay Osseini Salatou oo ah la taliyaha Oumarou.
Dhacdadan waxaa sidoo kale warbaahinta u xaqiijisay wasaaradda arrimaha gudaha ee Niger oo sheegtay in dableyda ay isku dayeen balse aynan ku guulaysan in ay la baxsadaan baabuur la dhigay afaafka hore ee guriga.