Milatariga Soomaaliya oo sheegay inay dileen xubno Shabaab ah.

0
375

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgallo qorsheysan waxaa saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, halkaasoo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa Ciidamada waxaay sigaar ah uga fuliyeen tuulooyin u dhow degaanka janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida Tuulooyinka Busleey iyo Buulo Aluundi.
Saraakiisha guutada 14-ka oktoobar eeXoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka sida u sheegay in howlgalka ay ku dileen 7 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaay Tilmaameen in howlgalka uu ahaa mid Guri Guri loogu baarayay, inkastoo aysan jirin waxyaabo ay howlgalkaas kusoo qabteen oo ay soo bandhigeen Ciidamadu.
Ugu dambeyn saraakiisha guutada 14-ka oktoobar ee xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaay Hoosta ka Xariiqeen in howlgalladaan ay sii socon doonaan ilaa iyo inta tuulooyinka u dhow degaanka Janaale ay ka saarayaan Xubnaha Al-Shabaab.
Inta badan degmooyinka iyo degaannada Gobolka Shabeellaha hoose ayay Cidamada dowladda ka fuliyaan howlgallo kala duwan oo AL-shabaab ka dhan ah.