Dowladda Soomaaliya oo ka digtay daadad ku soo wajahan dalkeeda

0
150

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ka xiriirta Khatarro ka dhallan kara Roobab iyo Fatahaado ay gaysan karaan Webiyada shabeelle iyo Juubba.
Hay’adda Maareeynta Musiibyooyinka Qaranka ee SODMA ayaa sheegtay in toddobadda casho ee soo socota ,degmooyin ka mid ah gobollada Shabellada ay aad u sarreeysa suurtagalnimada ah in ay fatahaado ka dhacaan oo ay saameyn doonaan nolosha iyo hab-nololeedka bulshooyinka ku nool degmooyinkaasi.
SODMA waxay digniinteeda sidoo kale ku sheegtay inay sare u soo kacayaan heerka biyaha wabiyada Shabeelle iyo Jubba taasina waxaa sabab u ah roobabka xooggan ee ka da’aya qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya iyo buuralayda Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here