Booliiska gobolka Banaadir oo xabsiga dhigay mid ka mid ah dadka caanka ka ah baraha bulshada

0
167

Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa degmada Hodan ayaa xabsiga u taxaabay mid ka mid ah shakhsiyaadka caanka ka ah baraha bulshada, kaasoo loo yaqaano Gariiraaye.
Ninkan oo lagu magacaabo Hanad Cabdiraxmaan Maxamad (Gariiraaye) ayaa Booliiska uu sheegay in loo xiray baahinta muqaallo anshax xumo badan oo dadka Soomaaliyeed intooda badan ay dhibsadeen.
“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Hodan oo gudanaya waajibaadka ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xiray Hanad C/raxmaan Maxamad (Gariiraaye), Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxay ka qaadi doonaan tillaabo sharciga waafaqsan cid walba oo lagu helo ayada oo sameyneysa wax lid ku ah dhaqanka iyo anshaxa suuban ee Bulshada” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska qaybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir.
Muqaallada anshax xumada badan ee ninkan uu ku baahiyay baraha bulshada ee loo xiray ayaa waxaa ka mid ah inuu xirto dharka Dumarka uu isaga duubo Muuqaallo isagoo sameynaya niiko iyo waxyaabo kale oo la mid ah.
Muqdisho waxaa marar badan lagu xiray qaar ka mid ah dhallinyarada caanka ka ah baraha bulshada ee Intarneetka, kuwaas oo mararka qaar soo duuba muuqaallo anshax xumo badan, hayeshee booliiska waxay sheegeen in Gariiraaye ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here