DHAGEYSO:Hay’adda Laanqayrta Cas ee Garissa oo faahfaahin ka bixisay saameynta daadadka

0
770

Iyadoo ilaa 23 ka mid ah ismaamullada dalka laga dareemaya saameynta ka dhalatay fatahaadaha roobabka da’aya ee soo billowday bishii hore ayay Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross Society laanteeda dowlad deegaanka Garissa Warbaahinta Star u faahfaahisay saameynta jirta iyo dadaallada ay kula tacaalaysa.
Isku duwaha Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross Society laanteeda ismaamulka Garissa Daauud Axmad oo saaka wareysi gaar ah siinayay Barnaamijka Hoggaanka Star ayaa waxaa uu ugu horreyn Maxamad Cali Madoobe uga warramay diyaar garowgii ay sameeyeen oo ay ka mid tahay in ay direen ilaa 16 milyan oo ah farriimaha digniinnada.
Daauud ayaa xusay in ay wargelin ka heleen waaxda saadaasha hawada ee dalka sidaasi awgeedna xilli hore adeegyada muhiimka ah ee ay isticmaali karaan barakacayaasha loo soo dhaweeyay dadweynaha.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka ku barakacay gudaha Garissa ay ka mid yihiin haween iyo carruur ay da’doodu ka hooseyso 5 sano isagoo xusay in aynan cayimi karin muddada ay dadkan ku sii jiri doonaan labo xero oo si ku meel gaar ah loo dejiyay.

Isku duwaha Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross Society laanteeda ismaamulka Garissa Daauud Axmad ayaa dhanka kale sharraxaad ka bixiyay waxyaabaha ay u qabteen barakacayaasha maxalliga ee IDPs-ka sida wacyigelinta dhanka nadaafadda .

Ugu dambeyn Daauud Axmad, isku duwaha Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka laanteeda ismaamulka Garissa ayaa shacabka ka codsaday in aynan fududeysan farriimaha digniinnada ah ee loo diraya.
Waxaa uu dadweynaha ku nool xaafadaha u dhow webiga River Tana ku boorriyay in ay xilli hore u guuraan meelo ay ku badbaadi karaan maadaama laga cabsi qabo in marka ay buuxsamaan biyo xireennada uu soo fataho webiga taasi oo ay saameyn wayn ka dhalan karto.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in saameyn ay soo gaartay beeralayda deegaan baarlamaneedka Balambala ee ismaamulka Garissa isagoo dhanka kale shacabka ku wargeliyay in haddii ay dhibaatooyin soo foodsaaraan in ay Hay’adda kala xiriiraan nambarka ah 1199.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here