Kenya: in ka badan 50 qof oo ku dhintay daadad

0
795

Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross ayaa laga soo xigtay in tan iyo bartamihii bishii Saddexaad ee sanadkan ay gudaha wadanka ka billowdeen roobabka da’aya in ay saameyn soo gaartay 34 dowlad deegaan.
Tirada qoysaska ee ay saameeyeen roobabka iyo fatahaadaha ka dhashay ayaa ah 25,700
Waxaa guriyahooda ka barakacay qoysas gaaraya 11,617.
Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ee gudaha wadanka ugu dhintay fatahaadaha ka dhashay roobabka da’aya.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay inay dhinteen 50 qof.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo la saadaalinaya in roobabka ay sii di’i karaan ilaa horraanta bisha Shanaad ee May ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here