2 qof oo lagu soo oogay dacwad dil oo la xiriirto dilkii Sniper

0
211

Labo eedeysane ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta inay dil u gaysteen Daniel Muthiani oo ku magacdheeraa Sniper oo ka mid ahaa shakhsiyaadka warbixinnada ku soo qoro baraha bulshada iyo shabakadaha intarneetka.
Eedeysanayaasha oo ka soo hormuuqday maxkamadda Kiambu ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay.
Labada eedeysanayaal ayaa kala ah Vincent Mureithi Kirimi iyo Murangiri Kenneth Guantai.
Qareennada matalaya eedeysanayaasha ayaa codsaday in damaanad lagu siidaayo.
Hasa ahaate dacwad oogidda ayaa maxkamadda ka codsatay in eedeysanayaasha xabsiga lagu sii haayo.
Dacwadda ay wajahayaan shakhsiyaadkan ayay mar kale maxkamadda soo hadal qaadi doontaa 29-ka bisha Labaad ee sanadkan.
Daniel Muthiani ayaa la waayay 2-dii bishii 12-aad ee sanadkii hore balse waxaa meydkiisa la helay labo toddobaad ka dib iyadoo baaritaan la sameeyay lagu ogaaday inuu u geeriyooday ceejin.
Ninkan ayaa sanadkii hore lagu dilay ismaamulka Meru oo uu ka howlgalayay.