Maamulka Galmudug oo ka hadlay hoobiyeyaal xalay Dhuusamareeb lagu tuuray

0
568

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaay sheegayaan in xalay tiro madaafiic ah lagu weeraray Xaafado ka tirsan Magaaladaas, kuwaas oo geystay khasaaro kala duwan, halkaasoo ay ka socdeen kulamo ay lahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada.
Maamulka Magalada Dhuusmareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay hoobiyeyaasha xalay Al-Shabaab ku weerareen magaalada Dhuusamareeb xilli ay ku sugan yihiin Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble.
Afhayeenka Maamulka Magaalada Dhuusamareeb Bashiir Maxamed Salaad Sanka ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay ka jawaabeen weerarka hoobiyeyaasha ah, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen Al-Shabaab sida uu sheegay.
Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook Afhayeenka Maamulka Dhuusamareeb ayu uku sheegay in qaar kamid ah Xubnaha ururka Al-Shabaab ee weerarka hoobiyeyaasha ah ka dambeeyay ay dileen Ciidamada amaanka halka qaarna iyagoo dhaawac ah ay qabteen oo ay Gacanta ku hayaan Ciidamada amaanka.
Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidamada Qalabka sida ayaa si heer sare ah kaga jawaabay dhowr hoobiye oo xalay Alshabaab kusoo tuurtay Dhuusamareeb.
Ugu dambeyn Wuxuu sheegay in saacadaha soo socda Warbaahinta loo soo badnhigi doono xogta howlgalka ay sameeyeen laamaha amniga Magaalada Dhuusamareeb iyo dadka howlgalkaas lagu qabtay ee shabaabka ka tirsanaa.
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda galmudug ayaa waxaay dhowr jeer Al-Shabaab ku weerareen tiro madaafiic ah, waxaana 12 sano kadib Magaalada Dhuusamareeb ay wajaheysaa xaalado amni darro iyo in deegaanada Qaar ay ku soo dhawaadeen shabaabka oo halkaas looga saaray dagaalkii adkaa ee dhexmaray Ahlusuna iyo AL-shababa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here