Maraykanka oo xayiraado ugu hanjabay Myanmar

0
523

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ku gooddiyay in uu cunqabateyn ku soo rogi doono dalka Myanmar .
Tani ayaa timid ka dib markii militariga Myanmar uu qaab afgembi ah kula wareegay talada iyadoo sidoo kale la xiray saraakiil dhowr ah.
Biden ayaa caalamka ugu baaqay in uu iska kaashado sidii ciidamada difaaca loogu khasbi lahaa inay hoggaanka dib ugu wareejiyaan dowladda dalkaas.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale cambaareeyay tallaabooyinka ay qaadeen militariga Myanmar isagoo falalkaas ku tilmaamay kuwo caqabad ku ah dimuqraadiyadda iyo nidaamka kala dambeynta ee wax lagu maamulo.