DHAGEYSO:Raila Odinga oo iska fogeeyay in uu carqaladeeyay waxqabadka Jubilee

0
479

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa gaashaanka u daruuray eedeymo dhawaan uga yimid madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo ahaa in tan iyo markii ay heshiiyeen Odinga iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu hakad ku yimid fulinta qorshayaashii horumarineed ee Jubilee.
Raila ayaa sheegay in aynan jirin cid ka tirsan xisbiga ODM oo dowladda ku biirtay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in aynan sax ahayn in heshiiskii taariikhiga ahaa ee uu bishii saddexaad ee sanadkii 2018-kii la saxiixday hoggaamiyaha dalka loo adeegsaday in lagu farageliyo qorshayaashii dowladda.
Madaxa mucaaradka ayaa ku nuuxnuuxsaday in aan isaga marnaba loo tiirin karin hoos u dhac uu sheegay inuu ku yimid waxqabadka maamulka talada haya